U Diyaar-garowga sanadka Cusub 2021 iyo dar-dar geelinta Ololaha Dawlad-Wanaagga.
Waxaa maanta oo Arbaco ah. 16-12-2020 kulan yeeshay Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Xisbiga SSUP iyo Gudomiyaha guud Xisbiga SSUP Mudane Yaasin Maaxi si loo der-der gelyo howlaha shaqo ee Xisbiga SSUP Sanadah Cusub 2021-2025 ee soo socda . Kulanka waxaa marti ku ahaa @Daud yare iyo @Qoordheere Ajandaha shirka maanta wuxuu ahaa in Sidii loo sii wadi lahaa islamarkaana loo soo gaba-gabeeyn lahaa diiwaan galinta xubnaha xisbiga ee Gobolka Banadir. In la sii wado kulankii Bilaha ahaa ee ololaha Dawlad-Wanaagga oo aay iska kaashanayaan Gudoomiyayaasha 17 degmooyinka ee Gobolka Banadir. In la qabto Doorashada Gudoomiyaha Gobolka Banadir ee Xisbiga SSUP In La gaarsiiyo diiwaan gelinta Xubnaha Xisbiga Gobolada Dalka si loo gaaro Diiwaan gelinta Rasmiga. iyo qodobo kale oo muhim u ah qorshaha dhaw iyo kan fog ee xisbiga SSUP.