Xisbiga

Hordhac

Bismilaahi, Raxmaani, Raxiimi. waxaanu halkan ku cadeyneynaa in dokumentigan uu yahay barnaamijka xisbiga midnimada ummadda Somaaliyeed kasoo si sharci loogu ansixiyay shirweynihii labaad ee xisbiga 28-29 Juun 2008 Iswiidhan. Barnaamijka xisbigu waxa uu ku qoran yahay afafka ingriisiga & somaaliga waxaana loo turjumi donaa afaf kale.

Dhamaan qodobada himillada xisbiga ee ku qeexan barnaamijka xisbiga waxay u wada baahan yihiin faahfaahin dheeri ah, taasoo si faahfaahsan ugu qoran dokumentiga qorshaha fulinta xisbiga si-sahlan hadafka himmilo waliba ay higsanayso. Dokumentiga qorshaha fulinta xisbiga kuma lifaaqna barnaamijka xisbiga, sabatoo ah waa dokumenti xafiiseed.

Gebagabadii, waxaan halkan mahadcelin uga soo jeedinayaa dhamaan xubnaha xisbiga taageeradooda niyadeeed meel kasta oo ay joogaan. Si gaar ah, waxaan ugu mahadcelinaynaa xubnaha sida joogtada ah ugu hurey xisbiga waqtigooda, awoodooda & fikradahooda xambaarsan qiimaha & cilmibarista bulsho. Sidoo kale waxaanu jeclnahay in aan ku dhiiri-gelino dhamaant inta danaynaysa inay ku soo biiraan xisbiga midnimada bulshada Somaaliyeed una sheegno in aanu nahay “xisbiga ay ummadda somaaliyeed raadinaysay”.

Scroll to Top