Himilada Xisbiga

Himilada fog ee Xisbiga
1) In la xoojiyo nidaam siyaasadeedka soo if-baxaya ee dib loogu mideynayo ummada Somaalida ah, dalkana loogu hagayo nidaamka axsaabta badan si loo sahlo helista nidaamka dawlad wanaaga oo ka hirgalo Somaaliya.

Himilada dhow ee Xisbiga
1) In la baahiyo loona gudbiyo barnaamijka xisbiga SSUP bulshada Somaaliyeed looguna gudbiyo si shaqsi-shaqsi ah, kulamo guud & alaadaha warbaahinta si bulshada loogu hago wadada saxda ah ee dimoqraadiyada.
2) In Xisbiga SSUP si tartib-tartiib ah loogu asaaso afar xafiisyo qeybeed qeybaha waqooyi-bari, waqooyi-galbeed, koonfur & koonfur-galbeed Somaaliya, si: –
• Si loogu dhowaado bulshada somaaliyeed ee faqriga, jahliga & dagaaladu aafeeyeen.
• Si loo dardar-geliyo fulinta barnaamijka u dejisan xisbiga.
• Si si-cilmiyaysan oo sax ah loo baaro baahida dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed.
• Si nidaamka dimoqraadiga bulshada looga soo bilaabo salka hoose
• Si loo dhiiri-geliyo bulshada looguna ogolaado ka qeyb qaadashada talooyinka & go’aamada lagu dhisayo nidaamka dimoqraadiga bulshada.
• In la abuuro lana fuliyo ololayaal lagu wacyi gelinayo bulshada oo ku wajahan hoos kasoo asaasida nidaamka dimoqradiyeynta bulshada si xisbigu tiirar adag oo u ku tiirsado uga dhex helo bulshada Somaaliyeed si: –
• Si xisbigu xubno badan ugu yeesho wakiilada ama xildhibaanada ka jira & kuwa ka soo if-bixiraba tuulooyinka, degmooyinka iyo gobolada Somaaliya.
• Si xisbigu kuraas badan uga helo baarlamaanka federaaliga ah ee la filayo in Somaaliya yeelato
• In la xoojiyo lana siiyo xeelado sare u qaada tayadooda aqooneed & agabyadooda shaqo maamulada ka jira & kuwa ka soo if-bixiraba tuulooyinka, degmooyinka & gobolada Somaaliya si:-
• Si dalka somaaliya looga abuuro jawi ku haboon hirgelinta & ku dhaqanka nidaamka dimoqraadiga bulshada.

Scroll to Top