Xubin Ka Noqo

Ka mid noqoshada xisbiga

Ka mid noqoshada xisbiga waxa ay u furantahay qof kasta oo muwaadin Somaali ah ama asalkiisu Somaali yahay oo dadiisa gaartey 17 sano, degan Somaaliya ama dibeda, aminsan mabada’a xisbiga, diyaar u ah inuu bixiyo qaaranka xubinimada xisbiga oo ah 5 US$ sanadkii, oo aan xubin ka ahayn ama taageero u ahayn xisbi kale oo siysaasi ah oo ka jira dalka Somaaliya.

Habka isdiiwangelinta
Codsade kasta oo buuxiyay shuruudaha ka mid noqoshada waxa u ka dalban karaa foomka codsiga xubinimadda xarunta xisbiga ee ku taal degmadiisa, laanta xisbiga ee jaaliyadiisa ama waxa uu kasoo rogan karaa shabakada xisbiga oo ah www.ssup.se waa inuu soo racshaa labo sawir iyo taariikh nololeedkisa CV. Codsiyada waxa lo dirayaa oo go’aan ka gaaraya gudiga degmada ama gudiga laanta jaaliyada ee xisbiga, mana jireyso wax kala sooc ah oo lagula kacayo codsadaha nooc kasta uu yahay. Codsadayaasha naafada ah waxa xisbigu siinayaa adeeg u sahlaysa buuxinta foomka.

Buuxi Foomkan

Scroll to Top