Tariikhda Xisbiga

Xisbiga midnimada bulshada Somaaliyeed waxaa dhidibada u taagey koox wadiniyiin ah oo isugu jira aqoonyahano & siyaasiyiin Somaaliyeed taarikhdu markii ay ahayd 11kii Abriil , 2004, waxaana lagu aasaasey magaalada Katrinholm ee wadanka Sweden. SSUP waa xisbi siyaasi ah oo aaminsan nidaamka wadatashiga, doorashooyinka xaqa ah ee madaxa banaan, awood qaybsiga, sinaanta, cadaalada, xoriyada saxaafada iyo sare u qaadida sharafta & jiritaanka qaranka Somaaliyeed iyadoon wax dhib ah loo gaysaneynin diinta & dhaqanka ummadda Somaaliyeed.
Scroll to Top