Ololaha Dawlad-Wanaagga 2019-12-06

Ololaha Dawlad-Wanaagga 2019-12-06
Dhisida Golaha degaanka Gobolka Banadir ee Xisbiga SSUP iyo Doorashadii Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magalada Muqdisho ee Xisbiga.SSUP. Shadow-Government (U Diyaar garow Hogaan Dawladnimo) 2020/2021
Waxaa manta taariikhdu tahay 2019-12-06 Xisbiga SSUP bilaabay Ololihii soo dhisida Golaha degaanka Gobolka Banadir islamarkaasna sidii loo soo dooran lahaa Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa magalada Muqdisho.
Waxaa noo soo gabagaboobay taariikhdu markeey ahayd Nov 28 2019 dhisida Golaha degaanada Gobolka banadir ee 17kii degmo ee Gobolka Banadir ka koobnaa. Hadaba Xisbiga SSUP waxeey ku qaadatay soo dhisidaas 17 degmo ee Gobolka banadir mudo ku dhow 2 sano. Dadaal dheer ka dib waxaa Ilaah mahadiisa ah hada inaan u soo gudubnay in aan dhisano heer Gobol kadibna aan u gudubno heer Qaran, Qaab dhismeedka DAWLAD WANAAGGA ee Xukuumadaha aduunka ayaa sidaas u dhisan Heer Degmo, Heer Gobol iyo Heer Qaran.
Maanta oo aay taariikhdu tahay 2019-12-06 ayaa waxaa kulmay Gudoomiyayaasha 17ka Degmooyinka Gobolka Banadir ee Xisbiga SSUP. Ajandaha Kulanka wuxuu ahaa.
1. Dhageeysiga waxqabadkii Gudoomiyayaasha 17ka Degmo. Ka hadalka Diiwaan gelinta xubnaha Xisbiga SSUP.
2. Magacaabista Gudi madaxa banaan ee Doorashooyin sidii aay u dhisi lahaayeen Golaha Degaanka Gobolka Banadir.
3. Dhageeysiga Xildhibaan Baralamaanka Federalka Abdifatah Kasim oo warbixin kooban ka warbixyey Qaabka Doorashooyinka iyo nooca Doorashooyin ee Qaran la filaayo ineey wadanka Soomaaliya oo dhan ka dhacdo 2020/2021.
4. Dhageeysiga Agaasime Yusuf Omar Maraxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Gobolka Banadir, Guubaabo iyo dhiiri gelin dhalinyarada.
5. Dhageeysiga Madaxa Cilma Baarista iyo Horumarita Xisbiga SSUP Dr Hashim Mahad oo ka warbixyey sidii aay ku suurto gashay in aan mudo 2 sano ah soo dhisno 17ka degmo ee Gobolka Banadir.
6. Gabo-gabadiina Mahad celin iyo Duco Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Mudane Yaasiin Maaxi Macalin.
Xisbiga SSUP wuxuu HAD IYO JEER fulinayaa sharuucda dalka iyo awmiirtii Gudiga Doorashooyinka Qaranka Madaxbanaan ee Soomaaliyeed ee ahayd in xisbiyada isu diyaariyaan Doorashooyinka dalka ka dhici doonta ee ku aadan 2020/21 iyo sidii aay ku heli lahaayeen shahaadada rasmiga ah, hadaba waxaa xisbiga SSUP ka go`an inuu ka shaqeeyo hal ku dhiga Xisbiga SSUP oo ah Ololaha Dawlad-Wanaagga.

Share-Dheh

Share on facebook
Share on twitter
Share on linkedin
Share on whatsapp
Scroll to Top