Aragtida Xisbiga
Aragtida Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed (SSUP) waxay ku dhisan tahay mabaadi’da midnimada iyo horumarka. Xisbiga waxa uu go’an ku yahay in uu dib u mideeyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan, isla markaana uu horumarinayo dhismaha dawlad ku dhisan shuruucda iyo maamulka wanaagsan.
Gaar ahaan, SSUP waxay u taagan tahay in la soo afjaro nidaamka qabiilka oo muddo dheer burburinayay midnimada qaranka. Waxaynu aaminsanahay in xal waara oo dhibaatadan laga gaari karo oo keliya marka la sameeyo isbeddel dhab ah oo ku aaddan habka loo maamulo dalka. Waxaynu u baahannahay inaan dhisno bulsho ku dhisan mabaadi’da caddaaladda iyo sinnaanta, halkaas oo ay dhammaan muwaadiniintu u siman yihiin.
In la dhiso Soomaaliya horumar leh oo cadaalad ku dhisan, halkaas oo dhammaan muwaadiniintu ay ku raaxaystaan nabad, amni iyo karaamada. Soomaaliya oo mabaadi’da caddaaladda, sinnaanta iyo xuquuqda aadanaha la ilaaliyo, halkaas oo ay si buuxda u hirgasho awoodda qof kasta.
Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed (SSUP) waxa uu ku riyoonayaa Soomaaliya midaysan oo horumar leh, halkaas oo dhammaan muwaadiniintu ay ku raaxaystaan nabad, amni, iyo karaamo. Waxaynu aaminsanahay qaran ku dhisan mabaadi’da caddaaladda, sinnaanta, iyo xuquuqda aadanaha, halkaas oo ay si buuxda u hirgasho awoodda qof kasta.
Si loo gaaro aragtidan, SSUP waxay u taagan tahay:
- Dib u midaynta shacabka Soomaaliyeed: Soo afjarida kala qaybsanaanta muddada dheer jirtay iyo soo celinta midnimada qaranka.
- Dhismaha dawlad xooggan oo caddaalad ah: Aasaasida dawlad ku dhisan shuruucda, maamulka wanaagsan, iyo isla xisaabtan.
- Ka gudubka nidaamka qabiilka: Joojinta kala qaybsanaanta ku dhisan qabiilka oo muddo dheer dhibaateysay bulshada Soomaaliyeed.
- Horumarinta caddaaladda: Hubinta in faa’iidooyinka (Kheyraadka dalka) iyo horumarka dhaqaale si cadaalad ah loogu cadaalad falo dhammaan muwaadiniinta.
Aragtidan waxaa lagu gaari doonaa iyada oo loo marayo:
- Isbeddel siyaasadeed oo dhab ah: Hirgelinta nidaamka dimuqraadiga ah oo hubiya ka qaybgalka iyo matalaadda dhammaan dadka Soomaaliyeed.
- Maalgashiga shacabka: Bixinta waxbarasho taya leh, caafimaadka, iyo adeegyada bulshada oo ay u simanyihiin dhammaan muwaadiniinta.
- Dib-uheshiisiinta: Dhiirigelinta wada-hadalka iyo is-fahamka dhexdooda qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
- Iskaashiga D-goboleedyada iyo Federalka: Xoojinta iskaashiga si looga hortago caqabadaha gobolka iyo kor u qaadida horumarka dalka.
- Iskaashiga Caalamiga: Xoojinta iskaashiga dowladaha deriska iyo caalamka intiisa kale si loo fududeeyo ganacsiga iyo isu socodka islamarkaana kor loogu qaado maalgashiga iyo dalxiiska dalkeena.