Juqoraafiyada Xisbiga

Joqoraafi ahaan, Xisbiga midnimada bulshada Somaaliyeed waxaa uu ka howlgalaa dhamaan dhulkii ay ka talin jirtey dawladii hore ee Jamhuuriyada Dimoqraadiga Somaaliya. Xisbigu waxa uu soo dhoweynayaa dhamaan axdiyada & shuruucda u dejisan maamul goboleedyada jira iyo kuwa soo if-baxaya, kuwooda ku salaysan nidaamyada ogol baahinta awoodaha ama federaaliga ah. Xisbiga SSUP waxaa uu xafiis goboleedkiisii ugu horeeyay ka furtey caasimada Somaaliya Muqdisho.

Markii la isla eegay dhaqaalaha yar ee xisbiga, kaas oo ah mid xisbiga u ogolaankara in uu si tartiib tartiib ah uga furto xafiisyo qeybeed dhamaan qeybaha dalka ee kala ah waqooyi galbeed (Somaliland), waqooyi bari (Puntland), Bartamaha, koonfurta & Koonfur galbeed ee Somaaliya, kuwaas oo ah kuwa howshoda lagu guda jiro.

Scroll to Top